Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

maansooyin






horudhaca

taariikhnololeedkeeyga

sawiraanta 

taariikhda soomaaliya

igala soo xadhiidh

buuga martida

sawiraanta asxaabta

xamar  daawo dacalada

madax weeynayaasha dalkeena soo maray

sawiraan 

sawiraan

caanshaqu ma dhab baa mise

murti iyo maa weelo

gabayada 

maansooyin 

hidaha iyo dhaqanka dalkeena

mahadnaqa waalidiinteeyda

bollywood

  


KU SOO DHAWAAW BOGGA MAANSOOYINKA


MAANSO

Waxaan maansadan isameeyayy gabadh aan wada haasaawi jirnay oo aaday Kambaala dalka Ugaandha mudo markay joogtay ayay ila soohadashay oo igu tiri waan imanayaa waxaa kasoo wareegtay mudo xilgay tidhi waan imaanayaa anigoo quustay ayaan arkay maaln maalmaha kamida wiil aan saaxiibo ahaan jirnay wxuu ii sheegay inuu arkay idman ooy joogto magaalada aan joogo kadib ayaan sameeyay maansadan waxaana tiriyay (12/9/03)

Aday baday kalgaclkaan
Inuu igu balaadhoo
Igu baaho caashaqu
Bohol yaw igaliyoo
iga dhigo bukaan socod
boogtiisa la ildaran
intuu badanka dagaybuu
beerkayga kala jaruu
baraf uu ku dhaliyee

jacayl waa labaabaa
caashaq waad kaboodaa
hadii lagaaga boodee
balo waxay ka joogtaa
aan lahayn baxnaanoo
aan laga lug bixi karin
hadii kalgacayl ku booqdoo
wadnahaaga baadhoo
kugu baaqiyeeshoo
kugu baaho waa halis
xilgaan isbaranaan

ka baqaayay inyahay
inaad jacaylka baylihin
baydgo,iidanbaynoo
qosalkaagu beenyahay
bishimaha kahooseen
waxaase iibildhaamayay
oon kabaydhi waayayna
quruxdaadan bilan iyo
bina aadminimadaa
ay bohoshu hoostaal

badan kayga jiitee
waxa,aan labooyaa
batarkaad kaboodiyo
bololaydaad tumatee
briqura kolay tahay
idmanbaa ku baylihin
ama barashadiinii

ayay baal kamariyoo
bariidad ladhuumani
wax walboon is barbar dhigo
isma oran bilaahiye
caku barasho qaarkeed
bulshada ma,unacdaa
aar babul waynoo
boqolaal qof laayoo

horay looga baqayoo
cidna aan bariinbaan
baradiisa galayee
ibad baadi boqorkoow
xaliyoow jacayl bata
khayr lama butaacee
wax buu booda saaraa
saaxiib barbaartuna
intay geed kaboodibay

ayay talo kaboodaaye
baryahaan naftaydii
buuqbaa hadheeyoo
dumar taan isbaranee
badankayga galiyee
aan ubaahi sheegtee
ibaxnaani aan dhaho
maxay iiga baydhaan ?

markii aan ubalan balo
balantana ujabiyaan
hoobaan bislaatiyo
hoodiyo barwaaqiyo
dhul xareedu buuxdoo
beerhu ku yaalaan
ooy badhaadhi taalaan
oogu baaqayaayee

bal maxay udhaafaan
xaliyoow ba,aygiyo
ku falaan balanbalkayga
saaxiib ibaal qabo
sheekada budeediyo
baacdeeda fahantee
bari hore kalgacalkii
boqnuhuu igooyoo

igu jaray bilaawee
bilantii salaadaa
beerkayga dubatoo
ubislaaday waa hore
baaqigii ka soohadhay
barbarkii ka noolaa
idmanbaa burburisoo
baabacada marisoo
baabah kayeeshoo
baasiin kudaartee
maxaa lagu bakhtii yaa?



 

DOOKHOW MAXAAD TAHAY ?




Diintu waa nolosha idil
Iyadaa dariiqiyo
Dawga Eebbe loo maro
Daneheenna oo idil
Lagu wada daliilshoo
Naftuna ay ku deggantahay.

Dammiirkay xoraysaa
Wanaagana ku durkisaa
U diiddaa xumaantooy
Dumaaniino siisaa
Welwelkana ka dadabtaa
Dadnimada qofkoo idil
Iyadaa u daawo ah.

Dabin kii ku dhacayee
Denbigiisu shidayee
Dabku uu ka baxayee
Dawgu uu ka lumayee
Doonaaya hilinkana
Istiqfaar dalbay tidhi.

Ninka deeqahaa Rabbi
Daayinkeen u dhiibee
Daarahana jeexdee
Ku dakaamayooy maqal
Dadka kii itaal daran
Mar u kuu dansheegtiyo
Mar xishood daboolaba
Doqoni kaa ma garatoo
Waayahaa dabraayee
Ha u diidin waxad kari
Gacantaa yay duubnaan
Ha daadaadin gebigeed
Dabuubteedu way iman
Halkii aad ka dalabtiyo
Dawgii aad ku bixisay
Sii diyaarso waxad odhan.

Waxba yaan ku daaline
Oon deelka maansadu
Ila sii dakaamine
An u dhaafo duluc kale.

Da’da wiil markay tahay
Waqti uu dadaaluu
Waalidkii daryeeluu
Danihiisa gaarka ah
Uu duurka u galee
Doondoonna kuba jiro
Inu helo darmaan wacan
Dumar waa malaayiin
Mid uun baa la doortaa
Shuruuddee la daydayi.

Dhayal maaha dulucduye
Dookhow maxaa tahay
Qofkaad dooni waa tuma
Docdee baad ka raadini
Daayinkeen siduu rabo
Qofna muu ku daray talo.

Danta aad dhisaysiyo
Dugsigaad unkaysaba
Tii dumini inay tahay
Maxaa kuu dammaanada.

Denbi maaha xulashadu
In la doono tii wacan
Oo la diido tii daran
Dariiqaana laga maro
Diintu way bannaysay.

Waqtigani danbee jira
Duni way wareertoo
Dhaqankiina wuu dumay
Da’yartuna hallawdoo
Waxay daba ordaayaan
Duul an liinba haynoo
Maankooda doorshoo
Fool xumo la darisoo
Diintana xaqira oo
Dawgii ka lumayoo
Duunyada an dhaamin
Haddii kalese kaba daran.

Isku dariba maayee
Badhbaa diinta haystoo
Cilmigoy dalbaan iyo
Danohooda gaarka ah
Deganaansho u watoo
Quraankana daliilshoo
Dariiq wacanna haystoo
Dadaalkoodu adagyahay.

Inta aanad dadab gelin
Duco waalid baa reer
Darxumada ka dadabtee
Ha ku diidin Hooyiyo
Aabboo dantaa wada
Inay kuu digaanooy
Dariiq fiican ku tusaan
Kaa duwaan wixii daran.

Ha ka dayrin taladiyo
Halkay taallo dulucdeed
Warkoo duuban wada sii
Qalinka ha ku duugeen
In la dhowro diintoo
Daacad loo ahaadana
Daayin baa sidaa yidhi
Ma dood baad ka leedahay.

Labadii is doortina
Markay diin wadaagaan
Waa ul iyo diirkeed
Ma xumaado damacood
Ma duugoobo xiisuhu
Duditaan ma yeeshaan
Waxbaa kala dabraayoo
Dambaabkoodu ma badnoo
Kama durugto xaajadu.

Dardaarmoo rasuulkuna
Dulucdeedii wuxu yidhi
Dumar waxad ku raacdaan
Dibadyaalka maahee
Diinteeda weeyaan
Doondoonayoow maqal.

Mid kalaaba lagu daray
Da’du waa ma dhaafaan
Ninka dayday ku jiroow
Doob uray haddaad tahay
Soo daboolay soddon sano
Ha doondoonan dhoorray
Dabadeed ma gaadhide
Duul xun baa asxaab la ah
Dadkay wada dhegaysani
Way ku doorin gebigaa
Duqna yayna sii noqon
Hooyadaa da’deeda ah.

Garashadu dan weeyee
Haddaad tahay mid dama oo
Duruustiisu koobnida
Deelka daalka moodoo
Daw kastiba ka xidhanyahay
Ha doonanin aqoonlay
Dugsiyada u waaweyn
Dibadaha ku yaallana
Dam ka siisay cilmigood
Markay dawga sheegtaba
Dooddaadu waxay noqon
I daadihi iyaa yidhi
Duqii reerku waa kuma
Ma dood bay ka leedahay
Inay iga danbaysooy
Dabneheeda iga xidho.

Dadka kii aqoon lihi
Debnihiisa kama xidho
Dariiquu tilmaamiyo
Danta inu tusmeeyee
Deeqana sideedaba
U dulqaadan maysoo
Way difaaci goobteed
Isna wuu ka dudiyoo
Darxumaa markaa iman.

Haddaad tahay danyare dhaba
Duunyo buuran haynoo
Duruuftu ay ku adagtahay
Ha hantaaqin degganoo
Dadkood aad u ladanyahay
Doorka maanta joogiyo
Maalintay dunida timid
Darxumo aanan aragoo
Dhuunigeed diyaar yahay
Dabka saarin dheriyoo
Basarkana ku daranoo
Waxba weli an loo diran
Dhulka oo kulayl duban
Qaboojiyaha dugsatoo
Darxumada ku haysana
Duulduul ku maqashoo
Xisaabtana ku darsanayn
Inay noloshu darantahay.

Ha ka saarin dugsigeed
Hanfi yuuna dubanine
Daawadeeda wejigiyo
Diraceed ma goyside
U ducee inay hesho
Mid la doora oo haga.

Murti baa dareentoo
Waxay tidhi ducaysane
Xubi qudha dan moodow
Hadday soo dillaacdooy
Daf tidhaahdo baahidu
Albaabkana ka soo dusto
Jacaylku ma difaacoo
Wuu diiqadoodaa
Daaqadana ka boodaa
Haddii aanu diin wadan.

Ha doonanin mid an garan
Danta reerku siday tahay
Wixii daayin siiyana
Wada daadinaysoo
Ubadkoo darxumadiyo
Dullinimo ka muuqato
La duuduuban gaajana
Duruuc qaadanaysoo
Dayn wada galaysoo
Biilka ka duwaysoo
Buuri duubanaysoo
Ku doodaysa lacag keen
Namuu deeqin biilkuye.

Adiguna ha daayicin
Dadka aad horjoogtiyo
Duruufta reerka gebigeed
U dadaal intaad kari
Adigoon dhannaba dayin
Jaadkaa ha duubanin
Ha ka dheeraan daaskiyo
Meesha ubadku degganyahay
Wuxu daayin kugu simo
Kula toos dabkoodaa.

Haasaawe daranoow
Sida loo dansheegtaa
Dariiqyada la mara oo
Kolba meel dahsoonoo
Dadku aanu u dhowayn
Is daadihiya yaa yidhi
Jidhkeedii daboolnaa
Inta aanad dadab gelin
Xaqqa lagama diidee
Daaha yaa ka roga yidhi
Debnahaaga yaa yidhi
Daankeeda quruxda leh
Dhunkashada ku duugoo
Doqonniimo awgeed
Ha is dadabto iyaduna

Magaceedii yaa dilay
Dariiqyada ayaa dhigay
Doqonoow ayaa yidhi
Faan ka dhig darxumadiyo
Denbigaad ka gashay gabadh
Walaashaa la dooroo
Dad ku moodday inad tahay.

Midbaa taa ka sii daran
Waalidkii dantaa guud
Wada daayac tirayee
Dawga toosan laga rabay
Inta loo durbaan tumay
Dullinimo halka u daran
Gabadhiisa dahabuu
Daranyada ka dhabi jiray
Intuu daaman xiirane
Isagoon duqay wadan
I ogaada la dalyimid
Duurka uu la galayana
Saxeexa ugu duugee
Dan sidaa u haystoow
Daliilkeed u haysaa.

Marka ay darmaantii
Iyo daaman xiirane
Ciyaartu ay la durugtee
Uurka loo daf siiyana
Asturnaan dalbaaydiyo
Dabool saarka xaajadu
Dariiqay ku socotaa

Qaadigan ku duugee
Qabiltuda la degdegee
Meherka ku daguugayna
Kitaabkuu ka daalacay
Ma diintaa sidaa dhigi.

Marka uu la dadab galo
Ka dheereeyo daaskood
Isagaa duqiiyee
Waa inuu daryeelaa
Iyadna ay dadaashaa
Duditaanku waa ceeb
Dibad loola soo baxay
Iswaydiintu waa dane
Isweydaarsi baa daran.

Markaad raaxo damacdana
Loxooxdaad dubaysaa
Yay noqonnin daal iyo
Doqontii xanaaqdee
Tii ugu danbaysay
U dulqaadan waydee
Dambaskaa ku tuurtay
Duulkeedii kaba naxay
Dadaalkaa qasaariyo
Magac xumo la daristay.

Yay noqonin doontii
Mawjadaha ta ugu daran
Mishiinku uu ka damayee
Gurmadkuna ka daba iman.

Yay noqonnin darmadii
Dadku wada mahadinee
Qof qudhuun dantiisa ah.

Dux ma yeesho dherigii
Dabkiisa an la sii shidin
U diyaari gegadoo
Disdidana markaa saar
Haddii kale way damiyoo
Yeelan mayso damciyoo
Daaco qudhin bay leedahay
Iyo daal bilaashee
Ha illaawin degganaan
Iyo debecsanaan sugan
Deelqaafku yuu badan.

Nadaafadduna waa deeq
Diintaba nuskeeda ah
Sida Daayin sheegay
Dushaadana sifee gebi
Qofkaad darmo wadaagtaan
Amma deriska kuu ahi
Yuuna diiqadoonine
Denbi baa ku jira taas.

Gabadhyahay darmaantii
Goortaad dibed u bixiyeed
Dariiqyada maraysana
Dushaba ha u soo bixin
Quruxdaada doorka ah
Dabagaab sideedii
Daandaansi uun wadda
Jidhkeed wada dubaaxini
Siyaadana ku sii dari
Ha ku dayan dhiggeedaa

Debnahaagu yay noqon
Sida habar dugaagoo
Neef goor dhow soo dilay
Dhiig lagu daguugoo
Eegmada u daranoo
Laga daalalyoonayo.

Siday diintu sheegtay
Haybaddaa dabool saar
Dam ku sii xijaabkoo
Degganaan iskaga luud.

Markaad daaska joogtana
Diracaa yuun jeexnaan
Duug ahaan hugaaguba
Duqa raali geliyoo
Dhaayihiisa damac geli
Daal buu tirsanayaa
Dood uun ha kula kicin
Yuuna diiqadoonine
Hadal debecsan kula hadal.

Waxkastood dalbaysana
Daayinkeen u dhiib talo
Istiqaaro dalab oo
Ku ducayso inu Rabbi
Dawga kugu hanoonshoo
Darmaan wacan ku siiyooy
Diinteed dhammays tahay
Damaceed macaan yahay
Duul wacan ka dhalatoo
Buuriga dudubinnoo
Jaadkana danaynoo
Daawo aan is marinnoo
Asal yahay dubkeedood
Ku illowdo daalkaad
Doobnimo ka dhaxashay.

Said Abib



 



 



 

 



 

 



 

 



 



www.maxamedmuuse.8k.com